4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qeybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho

 

Axad, June, 10, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana kormeeray ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in mid amniga la xiriira.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tagay qeybo ka mid ah Isgoysyada Muqdisho oo xiligaa ay howlgalo kala duwan ka wadeen ciidamada u xil saran amaanka caasimada, sidoo kale ra’iisal wasaaruhu waxaa uu tagay goob ganacsi.

Kormeerka ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya wax yar uu kaddib markii uu madaxweynaha dowladda Soomaaliya ku dhawaaqay in si deg deg ah loo furo jidadka xiran ee Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyayba dhibaato weyn ku qabeen bulshada ku dhaqan caasimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]