4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2018
Madaxweyne Trump oo Dhalleeceyay RW Trudeau

 

Axad, June, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in wakiiladiisa aysan saxiixan war martiyeedka dalalka G-7 ee shirka ku lahaa dalka Kanada Jimcihii iyo Sabtidi, kadib markii uu dhibsaday war uu soo saaray reysal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, xilli uu Trump shirka ka soo tagay.

Trump, ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray, “waa qof aan daacad aheyn oo aad u liita,” isagoo u jawaabayay hadalka Trudeau ee ku aaddan canshuurta cusub ee Mareykanka ee alamuniyamta iyo biraha inay yihiin kuwa aflagaaddo ah.

“Marka loo eego, hadalka beenta ah ee uu ka sheegey Justin shirkiisa jaraa’id iyo xaqiiqda ah in Kanada ay lacago badan dul saareyso beeralleyda Mareykanka, shaqaalaha iyo shirkadaha, waxaan amrey wakiillada Mareykanka inaysan ayidin war murtiyeedka, inagoo eegi doona canshuuraadka gawaarida ku soo qul qulaya suuqyada Mareykanka!” ayuu Trump yiri.

Trudeau ayaa soo xirey Sabtidii shirkii dalalka toddobada ee G7, kaas oo Kanada uga socday laba maalmood.

VOA