3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2018
Afhayeenkii Wasaaradda Amniga oo xilka laga qaaday

 

Isniin, July, 09, 2018 (HOL) –Kaddib Qoraal ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka Wasaaradda laga qaaday Cabdicasiis Xildhibaan.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in warqada xilka qaadista Afhayeenkii Wasaaradda amniga ay soo baxday 5 bishan July balse aanan warbaahinta lala wadaagin.

Laakiin C/casiis (Xildhibaan) ayaa dhinaciisa sheegay in been abuur ay tahay xilka qaadistiisa in ay soo baxday 5-tii bishan balse isaga uu Wasiirka Amniga u gudbiyay is-casilaadiisa 7-dii bishan kaddib weerarkii Otto Otto

C/casiis Xildhibaan ayaa yiri’’Anigoo ka jawaabaya qoraal uu isoo gaarsiiyay Xogheynta Wasiirka Amniga oo ku saabsan qoraal la been abuuray inuu soo baxay 5-tii bishan July in la iga qaaday xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, waxaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inaan xilkaas iska casilay 7-dii bishan, kaddib markii weerarka lagu soo qaaday Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga”. ayuu ku yiri C/casiis Xildhibaan kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Xil ka qaadistan ayaa timid kaddib markii C/casiis Xildhibaan uu weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda isaga oo sheegay in ay gabeen howlihii loo idmaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/9/2018 2:18 PM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)– Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Itoobiya ayaa khudbad kooban ka jeediyay casho sharaf loo sameeyay kaddib kulan uu la qaatay madaxweynaha Ertirea.

7/9/2018 11:25 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka UK Boris Johnson ayaa iscasilay iyadoo arrintana ay dhabar jab ku noqonaysa dowlada ay madaxda ka tahay Theresa May iyadoo uu soo if baxay khilaaf ku saabsan ka bixitaanka Briatin ay ka maalin ka horna uu is casilay baxaysa Midowga Yurub.

7/9/2018 10:50 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo maanta kormeeray wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan.

7/9/2018 9:15 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Kaddib markii labada dowladood Itoobiya iyo Eritrea meel iska dhigeen colaadii muddada dheer dhax tiilay, ayaa waxaa ay u muuqataa dowladda Eritrea in mar kale ay ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga ah.

7/9/2018 8:58 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Wareegto goor dhaw ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta dowladda Soomaaliya Xassan Macalin Xusseen.

7/9/2018 6:24 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Ilaa lix wasiir oo ka tirsan xubnihii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta loo dhaariyay, xilalkooda, ayagoo munaasbadda dhaarinta ay ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

7/9/2018 12:58 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee guddiga dhaqaalaha dalka oo looga hadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, dhismaha golaha dhaqaalaha, Sharciga iibka, sharciga canshuuraha, qaadista canshuurta berriga iyo maaraynta maaliyadda.

7/9/2018 12:51 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Ankara halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

7/9/2018 12:35 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) - Ra’isal Wasaaraha Isbedel doonka ah ee Itoobiya Abiy Axmed oo xilkan loo doortay bishii April ee la soo dhaafay waxaa uu gar-waaqsaday in la soo afjaro dagaal muddo ka badan 20 sano dalkiisa kala dhaxeeyay dowlad ay dariska yihiin ee Eritrea.