4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2018
Nuxurka Khudbadii Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed uu ka jeediyay Asmara

 

Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Itoobiya ayaa khudbad kooban ka jeediyay casho sharaf loo sameeyay kaddib kulan uu la qaatay madaxweynaha Ertirea.

Nuxurka khudbada ra’iisal wasaaraha ayaa u dhignaa :

Waxaan Anigaa Iyo Madaxweyne Af-wark ku heshiinaya in Safaaradihii labada dal dib loo furo,- in duulimaadyadii labada dal diyaaradhoogu dib shaqo galaan.

In dekadihii ay dib u shaqo galaan, In labada shacab is-booqdaan, aniguna Asmara ka soo degno, idinkuna booqataan Addis Ababa oo bunka la wada cabo.

Waxaa maanta Asmara ka da,ay roob xabaarsan galkacal (jecayal), roobkaasi guud ahaan wuxuu ka da,aya Bariga Afrika.

Waxaa maanta dumay darbigii, waxaana bedalaya buundooyin ayanu isku xidhno, waxaan tacsi u dirayaa ehaladii dadkii ku dhintay dagaalkii labada dal, Jecaylka Iyo kalgacalka ayaa ka xoog badan hub casri ah, taanki iyo gantaalo. Waxaan sidaa kalgacalka iyo jecayal.

Waxaannu rabaa in aannu u gudbno horumar, bar waayo Iyo nabad dhammaan Geska Afrika oo dhan.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay la soo baxay siyaasad furan oo uu Itoobiya uga weecinayo waddadii ay horay ugu soctay, waxaana uu muuqata in durbaba uu hagaajiyay cilaaqaadkii dalka uu lahaa wadamada gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]