Eritrea oo fursad u heysata in ay mar kale ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga ah
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Kaddib markii labada dowladood Itoobiya iyo
Eritrea meel iska dhigeen colaadii muddada dheer dhax tiilay, ayaa waxaa ay u
muuqataa dowladda Eritrea in mar kale ay ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga
ah.
Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka
IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay inay rajeynayaan in Eritrea ay dib uga mid
noqoto Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii ay sanadkii 2007-dii ka baxday
xubinimada Ururka.
Maxbuub Macalin ayaa ku amaanay Ra’iisul
Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sida geesinimada leh uu u fuliyay heshiiskii
Algiers iyo inuu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal Eritrea iyo
Itoobiya.
“Waxaa rajeyneynaa in Eritrea dib ugu soo laabato
IGAD oo ay booskeeda rasmiga ah uga qeyb qaadato kaalinteeda horumarinta iyo
nabadda Gobolka”ayuu yiri Maxbuub Macalin.
Labada dal ayaa ku heshiiyay I nay dib u soo celiyaan xiriirkii ka
dhaxeeyay, iyadoo la isu furayo ganacsigii iyo duulimaadyada, waxaana
diyaaradda Ethiopian Airlines lagu wadaa inay duulimaadyadeeda ka bilowdo
Eritrea muddo 20 sano kaddib.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]