4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2018
Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta oo xilkii laga qaaday

 

Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Wareegto goor dhaw ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta dowladda Soomaaliya Xassan Macalin Xusseen.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa Wasiiraddii lagu magacaabay isku shaandheyntii ugu danbeysay ee lagu sameeyay xukuumadda.

Xilka Wasiirka Diinta ayaa si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]