Cabdicasiis Xildhibaan : 11 bilood oo aan ahaa afhayeenka Wasaaradda Amniga wax mishaar ah kama qaadan dowladda
Axad, July, 08, 2018 (HOL)-Afhayeenka
Wasaaradda Amniga ayaa weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’addaha
kala duwan ee Amniga, kaddib qaraxii maalintii shalay ka dhacay xarunta Otto
Otto oo xarun ah Wasaaraddaha arrimaha Gudaha iyo Amniga.
Waxaa uu wax lala yaabo ku
tilmaamay in gaadiid qarax sida ka gudbaan Koontaroolo aan la ogoleyn in ay ka
gudbaan, Saraakiisha Dowladda iyo Shacabka intaba.
Waxaa uu sheegay in loo baahan
yahay in isla xisaabtan dhab uu yimaado, balse isla xisaabtanka aanu noqon mid
afka ah, lana arko mas'uuliyiin shacabka hor-yimada oo is casilaya kaddib markii ay ku fashilmaan howlihii loo idmaday.
“ Sidey suur-tagal ku noqotay
in Al-shabaab ugu fududaato uga gudbaan Kontoroolka, iyadoo la og yahay in
Hooyada foosha haysa iyo Ardayda loo diido in ay waddadaa ka gudbaan ayuu yiri
Cabdicasiis Xildhibaan.
Dhinaca kale, Afhayeen
C/casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” waxaa uu sheegay in uusan Dowladda wax
mushaar ah ka qaadanin 11 Bilood ee uu afhayenka Wasaaradda Amniga ahaa islaarkaana Ubadkiiisa ay biisho
Boqoradda Ingiriiska sida uu hadalka u dhigay.
“Siyaasi
danno gaar ah leh in la dhegeysto, loona sacab-tumo Ballanqaadyadda beenta ah ma'aha”
ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee xukuumadda Federalka Somaaliya.
Wuxuu sheegay in ay ka go’an
tahay in uu naftiisa u huro sida uu hadalka u dhigay sugidda Ammaanka dadka
Soomaaliyeed, wuxuuna dhanka kale eedeeyey Siyaasiyiin uu ku sheegay in ay
Tuugo yihiin in aysan waxba qabanin oo ay Boorsooyin waa weyn buuxsadaan, waa
sida uu hadalka u dhigay Cabdicasiis xildhibaan.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]