4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida ee Minnesota oo shalay ku soo gabagaboobay Jaamacada St Thomas ee Mag. St Paul.



Axad, July, 08, 2018 (HOL)-Ciyaarahii Todabaadka Soomaalida ee Minnesota ka socday ayaa shalay lagu soo gabgabeeyay magaalada St Paul, iyadoo ciyaarahaan  ay ka qaybgaleen 24 kooxood oo ka kala yimi gobaladda dalkaan Maraykanka iyo Canada.

Ciyaartii shalay waxaa kama danbaystii isagu soo haray TC Stars Minnesota & Kooxda Fargo United oo ka timi gobolka North Dakota ciyaartaan oo aheed mid ay labadda Kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u saraysa ayaa xiligii loogu talagalay ku dhamaatay gool iyo gool waxaana loo dhigay Rogoorayaal ama goolku laad waxayna ku kala baxeen 5 TC Stars iyo  4 Fargo United

Kooxda kubadda Cagta TC Stars ayaa ka mid kooxaha ugu faca wayn ee ka jira W/America waxayna hore ugu soo guulaysteen Koobab fara badan, wallow Tabaraha Kooxdan TC Carab uu sanadkaan la soo shir tagay ciyaartooy cusub marka laga reebo 3 hore uga tirsanaa Kooxdaan, TC ayaa wax badan ka badashay qaab ciyaareedkii lagu yaqiin

Abaalmarino kala duwan ayaa shalay la gudoonsiiyo ciyaartooydii tartankaan ka qaybgashay waxaa MVP ku guulaystay Guleed Kabtanka Kooxda Fargo united ,Gool dhalinta Maxamed Qabri bayax oo u ciyaaraha Cedar Stars, Goolhayaha ugu wanaagsana waxaa qaatay Jama TC ka tirsanaa,  Muller TC ayaa hantay difaacii ugu adkaa halka Tababare Carab uu noqday macalinkii sanadkaan ugu fiicnaa.

Maamulka ciyaaraha todobaadka Soomaalida oo mudadii ay ciyaaruhu socdeen ku dadaalay in ciyaaruhu u qabsoomaan habsami leh ay dhankooda ay guul u aheyd in koobku soo afj armo iyadoo aan wax mushkilado ahi dhicin ayaa shalay dhankooda shalay farxad aad u wayn laga dareemaayey.

Koobkan oo sanad kasta xilligan oo kale la qabto, ayaa Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Ciyaaraha Tababare Axmed Ismaaciil waxa uu sheegay in sanadka danbe ay sare u qaadi doonaan tayada ciyaaraha iyo barnaamijyada ay dhalinyarada u sameeyaan.

Gabagabadii Ciyaaraha ayaa shalay la gudoonsiiyey abaalmarino kala duwan dadkii gacanta ka gaystay qabashada koobkaan taas oo websidka Hiiraan Online na uu qayb ka ahaa Hay’adahii la abaalmariyey isagoo bartiisa facebooga si joogta ah ugu dabinaayey halka ay marayaan ciyaaraha mar walba.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,Minnesota