4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Haween cabasho la hor yimid madaxtooyadda Somaliland

 

Axad, July, 08, 2018 (HOL) - Hooyooyin ay ka xidhan yihiin dhalinyaro ay dhaleen ayaa maanta cabasho la hor tagay dhismaha madaxtooyada Somaliland horteeda, waxaana ay madaxweynaha ka codsadeen inay dhalinyaradaas mudadada sanadka ah xidhan loo siidaayo mar hadii dambigii loo xidhay lagu waayey.

Dhallinyaradan xidhan iyo wadaad caan ka ah Hargeysa ayaa ku eedeysan arrimo argagixiso, haseyeeeshee illaa hadda ma jirto cid ku cadaysay iyo maxkamda ku xukuntay, wallow ilaa toban jieer la dhagaystay dacwadoodda.

Hoooyooyinkan ayaa sheegay in dhalinyartaasi oo Todoba iyo toban qof ah oo ay ku jirtay qof haween ahi aanay jirin dambigaasi loo haysta cid ku cadaaysa, balse iskaga jiraan uun xabsiga, waxaanay madaxweynaha ka codsadeen in loo soo daayo.

“Waxa naga xidhan toddoba iyo toban qof oo uu Sheekh Aadan Sune ku jiro iyo qof dumar ah oo waliba jeelka ku dhex umushay, inkastoo markii dambase iyada damiin lagu sii daayey oo ku joogto magaaladda, maxkamaddana jeelka lagu dhex dhagaystaa  illaa toban fadhi baanu dhagaysanay oo markhaatiyo dawladu ay keentay waxba ku cadayn kari waayeen, maalin walbana dib baa loo dhiga fadhiga maxkamadda, waxaana madaxweynaha ka codsanayna in dhalinyartaasi xoriyadoodii loo soo celiy.”ayey tidhi hooyo ka mid ah haweenkii goobta ka hadlay.

Hooyooyinkan ayaa boodhadh ay ku xardhan yihiin cabashadoodda la hor yimid madaxtooyadda iyo baarlamaanka hortoodda, kuwaas oo ku dooday in eedaysanayaashaasi iska xidhan yihiin muddo sanad ah.

Isku soo baxan ayaa ku dhamaada si nabadgalyo ah, waxaanay guryahoodii ku noqdeen markii ay fariintoodidi u gudbiyeen warbaahinta.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland