Axad, July, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi
Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga
Recep Tayyib Erdogan oo bishii hore dib loo doortay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta
uga sii gudbo dalka Jabuuti magaalada
Ankara ee dalka Turkiga, si uu uga qeyb-galo munaasabadda caleema saarka
Madaxweynaha Turkiga.
Munaasabada caleemo saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa
maalinta berri ka dhacaya Ankara, waxaana ka qeyb-galaya madax badan oo ka
socota dalalka caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Medvedev ayaa ka mid
ah Madaxda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweyne Erdogan.
Dhamaadkii bishii June ayeey aheyd markii Erdogan
loo doortay Madaxweynaha Turkiga, kaddib doorasho ka dhacday dalkaas oo aheyd
tii u horeysay oo hal mar la doorto Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Nidaamka cusub ee dalka Turkiga uu yeeshay ayaa
ka dhigay Erdogan mid awood badan leh oo isku noqonaya Madaxweynaha
Jamhuuriyada ahna madaxa laanta fulinta ama Xukuumada.
Madaxweynaha ayaa soo magacaabayaa Madaxweyne ku-xigeenka
dalka, golaha wasiirada iyo xubnaha sar sare ee u adeegayaasha bulshada (Civil
Servants), waxaana muddo xileedka xafiiska Madaxweynaha cusub uu noqonayaa 5-ta
sanno ee soo socota.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]