3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Otto Otto


Axad, July, 08, 2018 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Booliiska ayaa xalay booqday cisbitaallada lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii aragagaxisadu ay la beegsadeen xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku naf-waayay qaraxaas ay kooxda caadeysatay daadinta dhiigga Soomaaliyeed u qorsheeyeen in ay ku gumaadaan shacabka, waxa uuna dhanka kale ballan qaaday in dadka ay soo gaareen dhaawacyada aan waxba looga qaban karin gudaha dalka ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa.

"Maanta waxaa dhacay qarax ay fuliyeen kooxaha arxanlaawayaasha ah ee dhaqankoodu yahay in shacabka baabi'iyaan. Inta ku dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacana Allaha Bogsiiyo.

Waxa aan rajeynayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay nagala shaqeeyaan soo afjaridda kuwaan caadeestay in ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadu waa dadaaleen bilihii la soo dhaafay hadana waxaan u ballan qaadayaa shacabka Soomaaliyeed in dadaalka lasii wadi doono dowladda Soomaaliyeed ma nasan doonto inta amnigu ka hagaagayo

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/8/2018 1:48 PM EST
Axad, July, 08, 2018 (HOL)-Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’addaha kala duwan ee Amniga, kaddib qaraxii maalintii shalay ka dhacay xarunta Otto Otto oo xarun ah Wasaaraddaha arrimaha Gudaha iyo Amniga.

7/8/2018 10:18 AM EST
Axad, July, 08, 2018 (HOL)-Hogaamiyaasha dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa maanta kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, si ay u soo gaba gabeeyaan mid ka mid ah colaadihii ugu qaraaraa ee soo mara Africa.

7/8/2018 9:17 AM EST
Ciyaarahii Todabaadka Soomaalida ee Minnesota ka socday ayaa shalay lagu soo gabgabeeyay magaalada St Paul, iyadoo ciyaarahaan ay ka qaybgaleen 24 kooxood oo ka kala yimi gobaladda dalkaan Maraykanka iyo Canada.

7/8/2018 8:37 AM EST
Axad, July, 08, 2018 (HOL) - Hooyooyin ay ka xidhan yihiin dhalinyaro ay dhaleen ayaa maanta cabasho la hor tagay dhismaha madaxtooyada Somaliland horteeda, waxaanay madaxweynaha ka codsadeen inay dhalinyaradaas mudadada sanadka ah xidhan loo siidaayo mar hadii dambigii loo xidhay lagu waayey.

7/8/2018 8:33 AM EST
Axad,July,08, 2018 (HOL)- Maxkamadda Rcfaanka gobolka Maroodi jeex ee Somaliland ayaa xayiradii ka qaaday wargeyska madaxa banaan ee Haatuf oo muddo afar sanno ah xidhnaa.

7/8/2018 7:46 AM EST
Axad, July, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo bishii hore dib loo doortay.

7/8/2018 4:29 AM EST
Axad, July, 08, 2018 (HOL)-Ra’iial Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goor dhow ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, taasoo ah safarkii u horeeyay oo Mas’uul Itoobiyaan ah ku tago Eritrea muddo 20 sano ah.

7/8/2018 2:28 AM EST
Axad, July, 08, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku- simaha Madaxweynah Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saakay ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koofur galbeed.

7/8/2018 2:17 AM EST
Axad, July, 08, 2018 (HOL)–Sanad walba xilligan oo kale waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu talo galay ardada dhamaysatay dugsiyada Sare iyo kuliyadaha kala geddisan ee gobolka Ohio.

7/8/2018 2:11 AM EST
Axad, July, 08, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa maanta lagu wadaa in booqasho Taariikhi ah uu ku tago magaalada Casmara ee casimadda Eritrea.

7/8/2018 2:02 AM EST
Axad, July, 08, 2018 (HOL)–Qaar ka mid ah dalalka danbeeya arimaha Soomaaliya iyo Ururro caalami ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray xarumaha Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.