Axad, July, 08, 2018 (HOL) – Sanad walba xilligan oo kale
waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu
talo galay ardada dhamaysatay dugsiyada Sare iyo kuliyadaha kala geddisan ee
gobolka Ohio.
Xafladdan oo ay qeybaha
bulashada, madaxda gobolka iyo ardada intuba ka soo qeybgalaan waxaa soo
abaabulay isla markaana soo waday mudo 9 sano ah Hay’ada SomaliCAN, oo ah
hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed.
Waxaa goobta ka hadlay
madaxda dowladda hoose, gobolka iyo heer qaran, Cabdikhayr Soofe oo ah
xiriiriyaha xafiiska duqa magaalada, ABukar Osman Balle Safiirka Dowlada
Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay iyo Masuuliyiin kale.
Doorka waliidiinta
Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin iyada oo loo mahad
celiyay waalid walba oo ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii socon karo isla
markaana Tusaale wanaagsan u noqon kara Jiilasha la siman.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee
ka soo qeybgasha xafladan sanadwalba waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo
dhiiranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda. Deeqaha waxbarasho waxaa gacan
weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay
bulshada Soomaaliyeed.
Sanadkan waxaa abaalmarin la
gudoonsiiyay 11 Arday oo kala ahaa Shan wiil iyo Lix gabdhood, waxayna qeyb ka
ahayeen arday badan oo aan ku soo bixin qorituurkii loo sameeyay ardada. Ardada
1 Sumayah
Aden, Dublin Coffman High School
2 Salma
Mohamed, Westerville Central High School
3 Safia
Hersi, Westerville Central High School
4 Omar
Jeylani, South-Western Career Academy
5 Mohamed
Awil, Mifflin High School
6 Mohamed
Abdulahi, Horizon Science Academy
7 Maryam
Bafadal, Franklin Heights High School
8 Kiin
Ali, Franklin Heights High High School
9 Fardowsa
Dahir, Hilliard Bradley High School
10 Abdulkhabir
Hassan, Connections Academy
11 Abdifatah
Warsame, Franklin Heights High School
Taageerada iyo deeqaha
waxbarasho ee ardaydan la siiyay waxaa gacan ka geystan meherado Soomaaliyeed
iyo kuwo Soomaalida la shaqeeya oo ay ka mid yihiin:
Flickinger Legal Group,
Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye
Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online,
Midnimo Middle, MAS, Twinkle Star, Enhanced, iyo kuwo kale oo baddan
Barnaamijka qalinjebinta iyo
deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dedaalka
dheeriga ah ee ardayda iyo waaliddiinta Soomaaliyeed ka sameeyaan dhanka
waxbarashada taas oo si weyn uga dhex muuqata marka loo eego qowmiyadaha soo
galootigaa.
Dhiirogalinta iyo qabashada
xafladan ee sanadwalba waxay niyad dhis iyo baraarug u noqotaa dhalinyaro
baddan oo ku dhiiraday in ay dib ugu laabtaan waxbarashadoodii.
Xafladda qalinjebinta ayaa
ku soo dhammaatay farxad iyo rayrayn iyada oo waaliddiinta iyo madaxda bulshadu
hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardada ku guulaysatay deeqaha waxbarasho iyo
dhammaan ardada ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha Ohio sannadkan 2018.
Deeqo Shire (SONNA)
Columbus Ohio