4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ku sii jeeda magaalada Asmara ee dalka Eritrea

 

Axad, July, 08, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa maanta lagu wadaa in booqasho Taariikhi ah uu ku tago magaalada Casmara ee casimadda Eritrea.

Itoobiya iyo eratariya ayaa waxa sanaddii 1998 dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo socday muddo 20 sano ah islamarkana labadaba wax xiriir ah malahayn tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay.

Waa booqashadii ugu horeysay oo rai’sul wasaara ka socda Itoobiya uu ku tago dalka Eritrea muddo 20 sano ah.

Horey waxaa magaalada Adis Ababa booqasho ku yimid ergo ka socotay dalka Eritrea oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa.

Jidadka magaalada Asmara ayaa lagu xardhay calamka dowladda Itoobiya waana tallaabo qeyb ka ah soo dhaweynta ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]