4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Beesha caalamka oo ka hadashay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

 

Axad, July, 08, 2018 (HOL)–Qaar ka mid ah dalalka danbeeya arimaha Soomaaliya iyo Ururro caalami ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray xarumaha Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Dowladdaha Carabta, kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen, islamarkaana uu ku soo aaday xilli Amniga caasimadda uu soo hagaagaayay.

Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qarax oo shalay lagu weeraray Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.

Labada Qarax oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lala beegsaday dhismaha Otto Otto ee magaalada Muqdisho oo xarun u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga iyo Ciidanka booliska Taraafikada ee loo yaqaano Oto Oto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]