Sabti,
July, 07, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarro loo
adeegsaday qaraxyo iyo mid toos ah oo ay qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo la
sheegay in ay gudaha u galleen Wasaaradda arrimaha gudaha Ex xaruntii hore ee
Oto Oto oo ku dhaw Isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho.
Ka hor rasaas xoogan oo laga
maqlay xarunta wasaaradda waxaa jiray labo Qarax oo dhacay, mid ka mid ah
Qaraxyada ayaa la sheegay in uu ahaa mid culus oo siweyn looga maqlay inta
badan magaalada Muqdisho.
Xarunta la weeraray ayaa
marka laga soo tago wasaaradda arrimaha gudaha sidoo kale waxaa ku shaqeysa
wasaarrada Amniga, iyadoo warar soo baxaya sheegayaan in ay gudaha u galleen
rag hubeysan oo laakiin aan la ogeyn tiradooda.
Ilaa iyo hadda lama oga
khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyadan iyo weerarka intaba hasse
ahaatee waxaa gaaray goobta gadiidka gurmadka deg deg ah oo halkaa ka qaaday
tiro dad ah oo qaba wax yeello kala duwan.
Isgoyska Sayidka waxaa yaala Koontarool ay ku sugan yihiin ciidamada Ilaalada
Madaxtooyada, waana koontaroolka ugu horeeya ee laga sugo amniga madaxtooyada.
Al-shabaab ayaa guud ahaa sheegtay qaraxyada iyo weerarka ka
dhacay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha, hasse ahaatee ma aysan bixin faah
faahin intaa dhaafsiisan.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]