4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Saddax ruux oo lagu dilay deegaanka Ceeldheere ee dalka Kenya

 

Sabti, July, 07, 2018 (HOL) – Wararka Hiiraan Online ka soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaa maleeshiyaad soo weeraray ku dileen Saddex ruux oo rayid ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxaha soo weeraray deegaanka ay ka soo gudbeen Koonfurta deegaanka Isyeelow, waxaana lagu waramayaa in weerarkani ahaa mid lama filaan oo ah oo aysan dadka deegaanku ka sii warheyn.

Dadka la dilay ayaa isugu jiray Odayaal iyo dhalinyaro, sidoo kalana waxaa jira dadka ku dhaawacmay weerarka oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Dilalka noocan ah ee ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Kenya ayaa loo sababeynayaa Aano Qabiil iyo is-qabqabsi mar marka qaar ka yimaada dhul daaqsimeedka iyo wadaaga biyaha deegaannadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]