4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Madaafiic leysku weydaarsaday deegaanka Tuka Raq

 

Sabti, July, 07, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaacadihii aynu ka soo gudbay halkaa laga maqlay madaafiic ay is weydaarsadeen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee isku hor fadhiya jiida hore ee dagaalka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in madaafiicdan oo soctay dhowr daqiiqo sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu ku geeriyooday madaafiicdan leysku tuurtuuray halkaa tiro kale oo askar ah ay ku dhaacmeen.

Deegaanka Tuka Raq oo bilihii ugu danbeeyayba ay ku dagaalamayeen ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somalialnd wali waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa labada dhinac, inkastoo ay jiraan baaqyo caalami ah oo loo soo jeedinayo labada maamul oo laga codsaday in colaada ay ku badalaan wada hadal.

Ma jiro wax war ah oo labada dhinac ka soo baxay oo la xiriira madaafiicdan ugu danbeysay ee la sheegay in leysku weydaarsaday aagga dagaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]