Midowga Yurub : Imaaraadku ha ixtiraamo madax-bannaanida dhulleed iyo Qarannimada Soomaaliya
Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Baarlamaanka Midowga Yurub
oo kulan yeeshay ayaa War uu ka soo saaray xaalada Soomaaliya, waxaa uu ku
dalbaday in Soomaaliya laga daayo fara-galinta shisheeye ee lagu hayo.
Qaraarkan ayaa wax-yaabaha ku qornaa waxaa ka mid
ahaa mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee ay Somaaliya ka istaagtay xiisadda Khaliijka oo
lagu sheegay uu dhaliyay in dalalka Imaaraadka iyo Sacuudigu ay joojiyeen
lacagtii ay siin jireen Somaaliya iyagoo ku ciqaabaya go’aanka ay qaadatay.
Qaraarkan midowga Yurub ayaa si gaar ah diirada u
saaray dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka Soomaaliya sida amaan darrada,
Arrimaha la xiriira kooxaha Argagixisada, Faqriga, Xad-gudubyada dhinaca Xuquuqda
Aadanaha iyo waliba fara-galinta dowladdaha shisheeye gaar ahaan kuwa Khaliijka.
Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah
wadamada Khaliijka in ay sii calwinayaan xaaladaha siyaasadeed ee markii horeba
ka jiray gudaha dalka Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa sheegay in dalalkaa
fara-galinta ku haya Soomaaliya ugu horeeyaan Imaaraadka iyo Sacuudiga oo isku
dhinac ah iyo waliba dowladda Qatar oo dhinaca kale ah.
Gaar ahaa Baarlamaanka midowga Yurub ayaa ku
eedeeyay dowladdaha Imaaaraadka iyo Sacuudiga iyaga oo adeegsanaya dhaqaale
xoog leh in ay isku dayayaan in Soomaaliya ka weeciyaan go’aankeedii
dhax-dhaxaadnimada oo ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka.
Waxaa uu ugu baaqay Imaaraadka in ay
joojiyaan falal kasta oo xasilooni-darro abuuri kara sidoo kale-na ay
ixitiraanto madaxbannaanida dhulleed iyo qaranniamada Somaaliya.
Dhinaca kale kooxaha Argagixisada marka la eego waxaa uu
qaraarka midowga Yurub cambaareeyay dhamaanba weerarrada kooxaha argagixiso ee
ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in aysan jirin sabab sharci
ah oo Soomaaliya uga sii jiri karaan Ururradan.
Laakiin dhinaca kale qaraarkan ayaa ku
cambaareeyay dowladda Soomaaliya xadgudubyo lagu sheegay in ay ku hayaan
xoriyada hadalka oo ay geysanayaan Laamaha amaanka dowladda, gaar ahaan hay’adda
NISA.
Qaraarka ayaa is dul taagay xariga iyo
hanjabaadaha lagula kaco Siyaasiyiinta, Wariyayasha, iyo waliba ururrada
bulshada rayidka ah waxaana arrimahan oo dhan ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo
aan la aqbali karin.
Dowladda ayaa uu danbeyntii loogu baaqay in ay
xaiijiso in hay’addaha Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA tahay hay’ad amaan oo ku shaqeysa hab waafaqsan sharciga si loo adkeeyo xoriyada hadalka oo
gundhig u ah hormarinta bulsho dimuquraadi ah oo xoog leh.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]