Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga
dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii
dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd
sanadkii 2000.
Madaxweynaha oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Carta
ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan
Dowladda Jabuuti, waxgaradka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
Carta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta
martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha
dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn
uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen
walaalahooda Soomaaliyeed.
“Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa
meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo
astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo."
"Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer
Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed
u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.” Ayuu yiri
Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan magaalada Carta si uu
kulamo gooni gooni ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladan.
Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Carta waxaa ka qeyb qaatay
Wasiiro ka tirsan Dowladda Jabuuti oo kala ah Wasiirka Difaaca Mudane Cali
Xasan Bahdoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Cumar, Wasiirka
Waxbarashada iyo Cilmi Baarista Mudane Mustafe Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo
Qalabeynta Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Wasiirka Dhaqanka iyo Diinta Mudane
Muumin Xasan Barre iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadam Xasan Aadam
(Beleloo).
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]