4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Xildhibaanno ku baaqay in la joojiyo dagaal ka soo cusboonaaday gobolka Hiiraan

 

Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Xildhibaannada maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaannada ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn in dhiig badan uu ku daato degmada shacabkana loogu baahan yahay iney xabad joojinta qaataan.

Xildhibaanadaan oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay ka qeyb qaadanayaan dhex dhexaadinta beelaha dagaalka uu ka dhaxeeyo, sidoo kalena ay tagayaan goobaha ay dagaalada ka soo cusboonaaday.

Dhinaca kale maamulka gobolka ayaa sheegay in dhex dhexaadin ay ka wadaan dhinacyadii dagaalamayay xabad joojina ay sameeyeen.

Maamulka ayaa xusay in aysan aqbali doonin in dagaalo u dhaxeeya beelaha gobolka uu xilligaan xoogeysto oo uu soo laablaabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]