Jicmo, July, 06, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khamiistii shalay kormeer ku tagey Dugsiga
tababarka Ciidamada Gen. Gordon ee Magaaladan Muqdisho, halkaasoo ay horay u
maamulayeen Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xerada kula
hadlay ciidamada ka tirsan Guutada 14-ka October ee CDS oo uu Xeradaasi
tababar ugu soconayay ayaa sheegay in dal kasta oo burbur kasoo kabsanaya ay
ciidankiisu yihiin kuwa bad-baadiya naftoodana u hura.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga,
abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka
ayaa halkaasi Qado kula qaatay, isagoo xog warastay qaar kamid ah Askarta si uu
wax badan uga ogaado noloshooda, tababarka ay qaadanayaan iyo sida ay heeganka
ugu yihiin difaaca Dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.
“Dal burburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la
waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli
kara ciidan.
Cawdawga dibadda iyo gudaha laguma difaaci karo qabiil ee waxaa
lagu difaaci karaa ciidan qaran oo idinka oo kale ah.
''Maanta dalkeenna waxaa
bad-baadin kara ciidan aan daacad u aheyn qabiil, qolo iyo dan gaar ah”, ayuu
yiri ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre.
Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ciidamada
u ballan qaaday in xaquuqda ay qaranka ku leeyihiin u heli doonaan si joogta ah
si lamid ah shaqaalaha iyo Hawl-wadeennada kale ee dawladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay
waday diyaar garow ciidan, waxaana dhowr jeer tababar loo soo gabagabeyeay
ciidamo kala duwan, illaa iyo haddana dowladda wax duulaan ah kuma qaadin
Al-shabaab, marka laga reebo in madaxda dowladda oo kormeera xeryaha ciidamada,
iyagoo xiran dharka ciidamada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]