4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Muhiimada Aagga ganacsiga xorta ah ee ugu weyn qaarada Africa oo laga daah-furay Jabuuti

 

Jicmo, July, 06, 2018 (HOL) – Waxaa maalintii shalay si rasmi ah looga daah-furay dalka Jabuuti Aaga Ganacsiga xorta ah ee jabuuti ee Shiinuhu dhisayo, kaasoo ah kan ugu weyn guud ahaan marka la eego qaarada Africa.

Aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti ayaa la filayaa in ay soo marto badeecad qiimaheeda lagu qiyaasayo 7 bilyan oo Doollar, muddo laba sano gudaheed ah, uuna abuuro ilaa 15,000 oo shaqo, marka la dhamaystiro.

Dhismaha mshruucan waxaa ka shaqeynya shirkadda ugu weyn ee adeegga dekedaha Shiinaha, wuxuuna qayb ka yahay qorshe weyn oo oo loogu magac daray "hal meegaar, hal waddo", kaasoo ah hindise maalgashi oo ka socda ilaa 60 dal.

Waa horumarkii xagga tas-hiilaadka ee ugu weynaa dalka, oo ay ku nool yihiin in ka yar hal malyan oo qof, waxaana aad loogu yaqaanaa inuu marti galiyey saldhigyo waaweyn oo ay ku leeyihiin ciidamada Maraykanka iyo Faransiiska.

Aagga ganacsiga xorta ah oo baaxadiisu gaarayso 48.2 KM, ayaa 10% ka mid ah waxaa ay tahay hantida ma guurtada ah ee Jabuuti, waxaana ay hoy u noqon doontaa tas-hiilaadka xagga waxsoosaarka, gaadiidka, iyo kaydka.

Istaraatijiyada halka ay ku taallo Jabuuti oo ah gacanka cadmeed ayaa horeba uga dhigay in ay soo maraan 95% badeecadaha u socda dalka ay jaarka yihiin ee Itoobiya.

 

Daah-furka mashruucan ganacsi waxaa sidoo kale madaxdii ka qeybgashay ka mid ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaallo sokeeye oo muddo dheer soo daashaday ayaa hadda u muuqda laftirkiisa mid soo jeedinaya Idhaha Maal-gashadayaasha dunida, waxaana maalmihii ugu danbeeyayba jiray shirkaddo iyo dowladdo daneynaya in ay maal-gashadaan dekeddaha waaweyn ee dalka, taasoo fursad ganancsi iyo mid hormarineed u noqon karta guud ahaan dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]