4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Soomaaliya iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis Kalluumeysi

 

Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka dalka ee dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa magaalada Nairobi heshiis horudhac ah kula gaaray Madaxa shirkaddaha Kalluumeysiga dibadda ee dalka Shiinaha.

“Waxaa maanta heshiis kalluumeysi oo hal sano ah la saxiixannay madaxa ugu sarreyo shirkadaha dibadda ee dalka shiinaha mr Davy Chen, si aan ugu faa’ideysano kheyraadka baddeena waxaanan si dhaw ula socon doonaa kalluumeysiga shirkadaha dalka shiinaha ee imaanaya dalkeenna”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shatiyada kalluumeysiga la siinayo shirkadaha dalkaasi shiinaha ee ka shaqeeya kalluumeysiga, isla markaana ay si dhow ula socon doonaan kalluunka ay soo saaraan iyo la dagaallanka shirkadaha sida sharci darrada ah uga kalluumaysta dalka Somalia.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qorshaha wasaaradda kheyraadka u yahay sidii looga faa’ideysan lahaa kheyraadka baddeenna, iyadoo fursadan ka faa’ideysan doonaan dad badan oo dan yar ah waxana heshiiskan goob jog ka ahaa xogyaha kobaad ee safaarada Somalia ee Dalka Kenya Habiib Mohamed Egal.

Wasiir C/raxmaan ayaa sheegay in bisha September ee soo socota uu Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tagi doono dalka Shiinaha, halkaasoo uu uga qeyb geli doono shir looga hadlayo arrimaha kalluumeysiga iyo xiriirka labada dal ay wadaagaan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada ayaa bishii hore ku gaaray magaalada Baydhabo heshiis ku saabsan wadaagga kheyraadka dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]