4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Wasiir Maareeye ‘’ Waxaan qandaraas ku bixineynaa nashqadeynta midabkii saxda ahaa ee calanka Soomaaliya

 

Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa markii ugu horeysay lagu sheegay in wasaaradu baadi-goob u gali doonto midabka saxda ah ee calanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed Wasaaraddu u soo bandhigeyso heshiis soconaya muddo 10 sano ah oo lagu baadi-goobayo shirkad nashqadeysa sida uu hadalka u dhigay midabkii saxda ahaa calanka Soomaaliya.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii dhexe 1991kii dalku ku jahwareeray calamo midobo kala duwan leh oo haddana xadiggo kala jeeda mid walba uu wato, sida buluug qafiif ah,buluug madow ah iyo buluug dhexe.

Shirkaddaha u tartami kara Qandaraaska ayaa lagu xiray sharuudo gaar ah waxaana sharuudahaa ku jira in shirkadaasi awood u leedahay in ay nashqada ay soo bandhigto gaarsiin karto gobollada iyo degmooyinka guud ahaan dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya soo bandhigto tartan lagu doonayo in lagu nashqadeeyo calanka Buluuga ah ee Soomaaliya oo wali aad moodo in aan leysku wada raacsaneyn noociisii saxda ahaa marka laga soo taga lagu soo tago in uu Buluug ahaa oo kaliya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]