4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Puntland: Deegaanka Garacad oo deked laga-dhagax-dhigey


Talaado, July, 31, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isimmo iyo waxgarad kale ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigey deked ganacsi oo laga hirgalinnayo deegaanka Garacad ee gobolka Mudug iyo waddo laami ah oo ku xireysa degmada Galdogob, waxaa la sheegay dekedda iyo waddada in lugu dhisayo isku-tashi bulsho, taas oo ka dhigeysa mashruucii ugu ballaarna oo bulshadu si isku-tashi ah ku dhisto.

"Maanta saxan-saxada iyo uduga ayaan ka gartaa inay hirgalayso dekeda Garacad, maanta Puntland oo dhan baa halkan timid maraan fogeyna Soomaali oo dhan baa imaanaysa, dekedaasi marka ay dhisanto ma noqonayso mid heer, mid dagmo, mid Soomaaliya ma noqonayso ee waxay noqon mid mandiqada oo dhammiay ka faaidaystaan." ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda dhagax-dhigga dekedda.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah isimmada Puntland ee wax- ka dhagax-dhigey dekedda ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ku dhaliilay dowladda Federaalka oo lugu casuumay dhagax-dhiga mashaaricda inaysan ka soo qeybgalin.

"Waxaan annigu la hadlay oo afkeyga kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya oo aan u sheegney inaanu diyaariney inan meeshan Garacad aannu ka dhagax- dhigeyno deked -wuu soo dhaweeyay waan tashaneyna buu igu yiri waa igu soo celiyay wuxuu igu yiri waxaa idin imaanaya ra'iisul wasaaraha ... runtii nasiib darro ra'iisul wasaaruhu Puntland buu jooga meel aan naga fogeyn buu jooga inomana imaan maanta aadban uga xunnahay runtii 100% mana filayo inay heli doonan sabab lugu qanco oo ay arrinta ku gudi doonan ... madaxda aan halkan ku casuunay waxan u heysannay madax qaran oo umadda Soomaaliyeed oo dhan u dhaxeysa siddan moodeyney ma noqon .. laakin waanan isku haleyn doonin."ayuu yiri Islaan Bashiir.

Isimmo iyo wax-garadkii kale oo ay waheliyeen mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha xukuumadda Puntland iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa si isku mid ah u sheegay inay ka go'antahay sidii loo hirgalin lahaa dhismaha dekedda oo dhererkeedu yahay 636m, ballac gaaraya 50m iyo qotinkeeda hoose 11.5 ilaa 14.5m, waxaana ku baxaya lacag gaaraysa 40 milyan oo dollar, iyadoona ay dhisi doonto shirkada laga leeyahay wadanka Turky ee TTN, shirkadda dhiseysa dekedda ayaa sheegtay wajiga koowaad ee dhismaha inuu ku dhammaan doono muddo 22 bilood ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]