4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Wasiir Oomaar oo sheegay in aan la xirin guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland

 

Talaado, July, 31, 2018 (HOL) -Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in ciidamada nabad-galyada garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho barkhadii maanta xireen gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay wararkaasi kuwo been abuur ah, isaga oo intaa ku daray in aysan jirin sabab loo xiri karo guddoomiyaha oo sida uu hadalka u dhigay ah shaqsi siweyn loo garanayo.

‘’Waa been wararka leysla dhaxmarayo ee ah in ciidamada nabad-galyada garoonka diyaaradaha Muqdisho xireen Shaafi Raabi oo ah guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland, waa shaqsi naga tirsan, waa shaqsi garoonka si wanaagsan looga garanayo, sidaa daraadeed cid xirtay ma jirto’’ ayuu yiri Wasiirka.

Laakiin warar madax-bannaan ayaa sheegaya in ciidamada nabad-galyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku qabsadeen mas’uulkan Passport Diblomaasi ah uu sitay iyo warqado kale oo la xiriiray arrimaha socdalka, taasoo keentay in ciidamadu qadar kooban hayaan, laakiin markii danbe Wasiirka iyo Rag kale oo ganacsato ah arinta soo dhax -galeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la xiriira warka ku saabsan xariga guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]