4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Qardho kulan kala qaatay Boqor Burhaan iyo Beeldaaje Maxamed

 

Talaado, July, 31, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Qardho , halka oo ay dadweyne badan ku soo dhaweeyeen.

Ra'iisul wasaare Khayre, ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaalada Qardho iyo dhammaan Puntland soo dhawayta ay ka muuqato jacaylka horumarka iyo Dawladnimada, wuxuuna kulamo la qaatay boqor Burhaan boqor Muuse iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka bulshada, nabadeynta iyo taageerrada dawladda Federaalka Soomaaliya.

Boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ayaa u ballan qaaday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya in dhaqanka Puntland ay sii wadi doonnaan hawlaha lagu garab istaagayo horumarinta qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed,iyagoo ku dhiirigaliyay xukuumadda shaqada wanaagsan ee horumarinta rejada dawladnimada Soomaaliyeed.

Gabagabadii, ra'iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]