4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Beer iyo Kalyo si koontarobaan ah loo soo galinayey Hargeysa oo la qabtay

 

Talaado, July, 31, 2018 (HOL)- Ciidamada Amniga ee Gabiley  Somaliland, ayaa qabtay Hilib gaar ahaan Beer iyo Kalyo laga soo galiyey dhinaca Itoobiya oo loo soo waday magaalada Hargeysa.

Kaantaroolka Bari ee magaaladda Gabiley ayaa lagu qabtay Beer iyo Kalyo aan la garanayn nooca uu yahay, hasse ahaatee waxaa la hayaa ninkii gaadhiga ku siday oo xabsiga loo taxaabay.

Beerkan iyo kalyahan ayaa la sheegay in Itoobiya laga keenay, hasse ahaatee in ay xoolo yihiin iyo in ay wax kale laga soo jaray aan ilaa hadda la garanayn, waxaana ciidanku xuseen in la baadhayo,isla markaana la gubay Beerkii.

 

Beerkan iyo Kalyahan ayaa kartoomo iyo baco lagu soo xidhxidhay, waxaana la sheegay in lagu soo waday Hargeysa, waxaanu ciidanku sheegay in kartoomada ay ku qoran yihiin numarka qofka loo waday oo lagu ballansanaa in duleedka magaaladda lagala wareego Hilibkan.

Mas'uuliyiinta dawladda hoose ee Gabiley iyo wasaaraddaha xanaanada xoolaha iyo caafimaadka ayaa iyaguna ka dayriyey caafimaadka beerkan iyo Kalyan sida koontarobaanka ah lagu soo galinayey magaaladda Hargeysa. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.