4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo saacado kooban Muqdisho lagu xiray

 

Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xarig saacadihii hore ee maanta ciidamada amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kaceen guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland islamarkaana ah xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi.

Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in ciidamadu qabteen Shaafi markii uu ka degay diyaaradii uu la socday iyaga oo ku xiran gudaha garoonka diyaaradaha.

Lama oga sababta rasmiga ee xariga hasse ahaatee warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in lagu qabsaday Baasaboorka Diblomaasiga ee uu watay oo su’aalo laga weydiiyay sida uu ku qaatay.

Wasiirka Duulista Hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar iyo ganacsato ayaa la sheegay in markii danbe ay arintan soo fara-galiyeen, taasoo markii danbe keetay in la sii daayo guddoomiyaha.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ka hadlay xariga guddoomiyaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]