4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Golaha Amaanka oo dib u dhigay dhismista ciidamada AMISOM

 

Talaado, July, 31, 2018 (HOL)- Dood dheer oo ay arintan ka yeesheen kaddib Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in dib loo dhigo dhismista iyo yareynta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee dowladda Soomaaliya ka caawinaya nabad soo celinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Golaha ayaa isku raacay in arintan ku saabsan dhimista ciidamada AMISOM dib loo dhigo ilaa 31-ka bisha May ee 2019-ka, kaddib qoraal dheer ay soo saaareen.

Waxaa uu qorshuhu yahay in wixii ka danbeeya 31-da May 2019-ka dib loo bilaabi doono dhimista ciidamada AMISOM oo hadda gaaraya 20,626, waxaana la hakiyay 2,000 oo Askari oo Soomaaliya ka bixi lahaa bilaha October iyo December ee sandkan 2018-ka.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu dhawaaqday in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya ka baxayaan gaba gabada sanadka 2020-ka, kaddibna ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegaan ammaanka dalka.

Laakiin waxaa wali muuqanaya in ay jiro baahi loo qabo in ciidamada AMISOM ku sii sugnaadaan gudaha dalka iyaga oo difaacaya dowladda xoogagga hubeysan gaar ahaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]