4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Kheyre : Qorshaha xiliga kala guurka meel wanaagsan ayuu noo marayaa

 

Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo isaga oo ku sugan Garoowe la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC da ayaa sheegay in xukuumaddu meel wanaagsan u mareyso sida uu hadalka u dhigay qorshaha xiliga kala guur-ka ee AMISOM dalka uga baxayaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dadaal dheer ugu jirto sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo hanaanka kara Amniga guud ahaan dalka, isaga oo intaa ku daray in arintaa hada si xowli ah loo wado.

Mar uu soo hadal qaaday waxa uga qorsheysan dowladda ka bixitaanka dalka ee ciidamada AMISOM ayuu yiri ‘’ Waxaan sameynay qorshe la yiraahdo qorshaha kala guurka oo annaga iyo hay’adaha caalamka aan ku heshiinay iyo AMISOM laftirkooda, qorshahaasi waxaa laga ansixiyay Golaha Wasiirada, Dowlad goboleedyada, Midowga Yurub, kaas oo u qorsheysan sidii ciidamada Soomaaliya loo tababari lahaa, AMISOM-na ay dalka uga bixi laheyd.”

Kheyre ayaa markii uu la wareegay xafiiska wax-yaabihii uu balanqaaday waxaa ka mid ahaa tallaabooyinka ugu horeeya ee xukuumadiisu qaadeyso tahay sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye, hasse ahaatee waxaa wali muuqaneysa in aysan jirin arintaa oo waxaa sii xoogeysanaya weerarrada iyo qaraxyada ay geysanayaan xoogagga ka soo horjeeda dowladda gaar ahaan Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM waxaa ay hadda jooogaan qeybo kala duwan oo dalka ka mid ah, iyaga oo dhinaca kalan ka qeybqaata sugida amniga xarumaha waaweyn ee dowladda iyo xitaa madaxda Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]