4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
AMISOM oo sheegtay ay ballaarineyso howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab


Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay ballaarinayaan islamarkaana sare loo qaadayo howlgalka ka dhanka xarrakada Al-shabaab oo wali maamusha qeyb ka mid ah dalka.

Magaalada Muqdisho lagu qabtay oo dhawaan ku soo gabagaboobay kulan ay lahaayeen khubaro ka kala soctay AU, UNSOM, UK iyo hay’addo kale oo qaabilsan arrimaha amaanka, waxaana kulankaa looga wada hadlay sidii wada jir leysaga kaashan lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

War ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in qorshaha socda uu yahay hadda sidii Al-shabaab looga saari lahaa qeybaha ay wali dalka ka sii maamulaan iyaga oo taageero militari siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale la qabto kulamo looga arinsanayo howlgalo laga fuliyo deegaannada ay maamulaan Al-shabaab ee gudaha dalka Soomaaliya, laakiin taa badalkeeda waxaa la arkaa Al-shabaab oo iyagu weerarro xooggan ku haya xarumaha ciidamada midowga Africa iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]