4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

 

Isniin, July, 30, 2018 (HOL)– Kaddib booqasho saddex cisho qaadatay iyo kulamo ku dhaxmaray magaalada Asmara hogaamiyayaasha labada dal Soomaaliya iyo  Isaias Afwerki Cabdullaahi Farmaajo iyo Isisse Afrwirk ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray war-murtiyeedkan.

Iyada oo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya.

Iyada oo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soomaaliya iyo Ereteriya ay si joogta ah isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka.

Iyada oo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah iyo dedaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: –

1.Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah.

Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2.Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3.Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4.Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]