Axad, July, 29, 2018 (HOL) - Sharaf weyn bay aniga iyo waftigaygaba
u tahay in aan soo gaarno caasimadda qurxoon ee Ereteriya, casuumaaddii aad noo
fidiseen ka dib.
Hubaashii,
booqashadani waa mid labadeenna qaranba taariikhda u gelaysa. Waxaan kaaga
mahadcelinayaa martigelinta iyo soo dhawaynta aad noo samayseen aniga iyo
waftigayga.
Waxaan
sidoo kale u mahadcelinayaa dadka gobta ah ee reer Ereteriya, kuwaas oo maanta
isugu soo baxay waddooyinka magaalada Asmara, soo dhawaynta diirran iyo sida ay
u muujiyeen xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliyeed.
Mudane Madaxweyne :
Waxaan ku
kalsoonnahay in booqashadan taariikhiga ah ay ka dhalan doonto horumar iyo
barwaaqo, oo labadeenna qaranba dan u ah.
Wadahadal
mira-dhal ah oo aan la yeeshay mudane Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda
saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno labadayada waddan oo
aan keliya taariikhi ahayn, balse lagamamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee
aannu wada dhisi doonno.
Labadayaduba
waxa aannu ogsoonnahay in mustaqbalkayagu uu isku xiran yahay, maaddaama aannu
nahay labo waddan oo walaalo ah, isku gobolna ah.
Waxa aannu sidoo kale ku heshiinney inaan xoojinno iskaashiga dhinacyada
amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.
Iskaashigani
waxa uu faa’ido weyn u leeyahay labadeenna dal, maaddaama aan ka simannahay
caqabado isku mid ah.
Iskaashiga
waxtarka leh ee ay dawladda Soomaaliyeed doonayso waa mid sahlaya in labadeenna
qaran ay si buuxda u wada shaqeeyaan, labadeenna shacabna nabad iyo barwaaqo ku
noolaadaan.
Waxaan
doonaynaa in aynu caasimadeheenna ka hawlgelinno safaaradaha labadeenna qaran,
wax-soosaarka dalalkeenuna si xor ah ugu kala gooshto gobolka oo dhan.
Dawladda
Soomaaliya waxa ay soo dhawaynaysaa heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhexmaray
Ereteriya iyo Itoobiya. Waxa hubaal ah in gebi ahaanba Geeska Afrika uu ka
faa’idi doono waagan cusub ee ku astaysan nabadda, saaxiibtinnimada iyo
wadajirka gobolka.
Ereteriya
waxa ay muhiim u tahay mustaqbalka Geeska Afrika, maamulkaygu waxa uu diyaar u
yahay inuu kala shaqeeyo maamulkaaga danta labadeenna shacab iyo guud ahaan
shucuubta Geeska Afrika.
Si taas
loo gaaro, waxa aannu ku baaqaynnaa in gebi ahaanba cunaqabaynta iyo
xannibaadaha dhaqaale laga qaado dadka reer Ereteriya si loo helo isdhexgel
dhaqaale oo ka dhaca gobolka, loona gaaro heshiisyo suurtagelinaya ganacsi xor
ah, kaasi oo fududeyn doona isu-socodka dadka iyo badeecadaha.