4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Mas'uuliyiinta gobolka Sool ee Somaliland iyo wefti Qaramadda midoobay iyo IGAD iskugu jira oo kulmay


Axad, July, 29, 2018 (HOL) - Masuuliyiin iskugu jira xildhibaanno iyo wasiiro ka soo jeedda gobolka Sool ayaa maanta shir albaabadu u xidha yihiin la yeeshay wefti ka socda Qaramadda midoobay iyo urur goboleedka IGAD, kuwaas ka wada hadlay arrimaha Tuko raq.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo u hadlayey masuuliyiinta dawlada Somaliland kaga jira gobolka Sool iyo ergayga urur goboleedka IGAD Maxamed Cali Guyo oo isna u hadlayey xubnaha weftiga.

Shirkan oo saacado kooban qaatay ayaa laga soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen, kuwaas oo xal u noqon karta dagaalka soo noqnoqday ee Tuko raq.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay sababta weftiga ugu soo horeeyey ay ahayd inay iyagu codsadeen inay la kulmaan maadaama oo Garoowe kula soo kulmeen xubno gobolka Sool ka soo jeedda oo Garoowe jooga, kuwaas oo ka wada hadleen arrinta dagaalka Tuko raq.

Sidoo kale, ergayga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cali ayaa sheegay in weftigan Barritoole la kulmi doonaan madaxweynaha, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, saddexda xisbi iyo ururadda bulshada, kuwaas oo isla arrintan ka wada hadli doonaan.

Labadda dhinac waxay sheegeen inay ka wada hadleen shan qodob oo kala ah:

1. In xabadda la joojiyo.

2. Inay ciidamaddu wada hadli karaan.

3. In maxaabiista la isku celiyo.

4. In caawimo la gaadhsiin karo deegaanadda oo labadda dhinac ogolaadaan.

5. Iyo qodobka shanaad oo ay sheegeen in arrimaha xuduudda ka wada hadli karaan Soomaaliya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.