4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Ra'iisul wasaare Khayre " Reer Puntland waxay fahmeen dowladnimada inay u baahantahay midnimo"


Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Ra'iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho maalma qaadaneysa oo uu ku marayo magaalooyinka iyo deegaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ku-xigeenjiisa, xubna ka mid ah baarlamaanka iyo golaha wasiirrada Puntland iyo kummannaan bulshada qaybaheeda kala duwan ka socda ayaa Ra'iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, waxa intaa kaddib Ra'iisul wasaaraha iyo wafdiga la socday loo galbiyay barxadda Garowe oo uu kula hadlay kummannaan ruux oo isugu soo baxay soo dhawayntiisa.

Ra'iisul Wasaaraha Khayre, ayaa madaxda iyo bulshada Puntland ayaa uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay isaga oo ku ammaanay dawrkooda wanaagsan ee ay ku leeyihiin nabadeynta, midaynta iyo horumarinta deegaanka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.


" Waxaan idin kaga mahadcelinaya sida aad igu soo dhaweyseen dhulkii uduga iyo beeyadda, waxaan idin kaga mahadcelin sida aad igu soo dhaweyseen dhulkii horumarka iyo il-baxnimada Soomaaliyeed.. waxaan idin kaga mahadcelin inad igu soo dhaweyseen dhulkii xudunta u ahaa halgankii Daraawiishta.. waxaan ku faraxsannahay inan maanta soo booqano magaalo madaxda Puntland ee Garoowe oo ah hooyadii Federaalka Soomaaliyeed." ayuu yiri ra'iisul wasaare Khayre.

Booqashada ra'iisul wasaaraha uu ku tagay magaalada Garoowe oo noqoneysa middii ugu horreeysay tan iyo markii uu xilka qabtay ayaa maalmaha uu ku suganyahay Puntland waxa uu ka qayb gelayaa munaasabadda 20 sano guurrada kasoo wareegtay aasaaska maamulka Puntland, isaga oo kulamo la qaadanaya madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online