4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska oo lagu dilay Muqdisho

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL) –Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen dad ay qaraabo yihiin.

Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Maalin rag hubeysan la sheegay in ay ku dileen qeybta khudaarta lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho, waxaana markiiba goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Ma jirto cid sheegatay dilka sarkaalkan ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, hasse ahaatee Al-shabaab ayaa marar badan oo hore sheegtay mas’uuliyada dilal noocan oo kale ah oo ka dhacay Muqdisho.

Subax-nimadii hore ee saakay ayeey aheyd markii Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda uu ku dhintay qarax lagu soo xiray gaari yar oo ay la socdeen isaga iyo ciidamo kale degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]