4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wafdiga uu hoggaaminayo ra'iisul wasaare Khayre, waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir, madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas iyo golayaasha xukuumadda Puntland oo ay waheliyaan dadweyne badan oo isugu soo baxay garoonka diyaaradaha illaa waddada ku xirta xarunta madaxtooyada Puntland.

Ra'iisul wasaare Khayre iyo madaxweyne Gaas ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland, waxaana lugu wadaa goor dhow inuu gaaro barxadda Garoowe oo boqollaal ruux ay isugu soo baxeen, kuwaas oo ka qeybqaadannaya soo dhaweynta ra'iisul wasaaraha,kaddibna waxaa loo gudbin doona xarunta madaxtooyada.

Waa booqashadii ugu horreeysay oo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo Puntland tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaa lugu wadaa inta uu joogo Puntland inuu booqdo magaalooyinka kale ee Puntland, wuxuuna kulamo la qaadan doonaa mas'uuliyiinta Puntland iyo qeybaha bulshada, waxaa inta dheer in markii ugu horreeysay shirka golaha wasiirrada Puntland lugu qabannayo magaalada Garoowe, sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Iman Jama,Hiiraan Online