3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Ras’iisal Wasaare Kheyre oo goor dhaw u anbabaxay magaalada Garoowe

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.

Ra’iisal wasaaraha ayaa magaalada Garoowe uga qeyb-gali doona xuska sanad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay aas-aaska maamulka Puntland, isaga oo dhinaca kalana inta uu joogo Puntland dhagax-dhigi doona mashaariic dhowr ah.

Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan Puntland waxaa ay booqan doonaan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan isla maamulka.

Diyaar garow ku aadan soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota magaalada Garowe, waxaana faras-magaalaha la suray sawirka Ra’iisul Wasaaraha.

Wixii warar ah ee ku soo kordha safarka ra’iisal wasaaraha waad idin soo gudbin doonnaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/29/2018 2:51 PM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay in kulan dowladda Soomaaliya raali galin ka bixisay dhiibistii sarkaalkii ka tirsanaa Ururka Cabdikariin Muuse Qalbi –Dhagax.

7/29/2018 11:07 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)-Sharaf weyn bay aniga iyo waftigaygaba u tahay in aan soo gaarno caasimadda qurxoon ee Ereteriya, casuumaaddii aad noo fidiseen ka dib.

7/29/2018 10:27 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)-Masuuliyiin iskugu jira xildhibaanno iyo wasiiro ka soo jeedda gobolka Sool ayaa maanta shir albaabadu u xidha yihiin la yeeshay wefti ka socda Qaramadda midoobay iyo urur goboleedka IGAD, kuwaas ka wada hadlay arrimaha Tuko raq.

7/29/2018 9:58 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho maalma qaadaneysa oo uu ku marayo magaalooyinka iyo deegaannada Puntland.

7/29/2018 8:56 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw Suuqa Bahaaraha ee degmada Howl-wadaag sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen dad ay qaraabo yihiin.

7/29/2018 5:02 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

7/29/2018 3:41 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Munaasabad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga (World hepatits Day) oo sanad kasta bishan July laga xuso caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

7/29/2018 3:20 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Warar naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Arbacoow ee dulleedka Muqdisho ayaa sheegaya Al-shabaab madaaafiic ku weerareen saldhig ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka.

7/29/2018 2:10 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Waabarigii hore ee saakay ayaa lagu waramayaa in degmada Hodan ee gobolka Banaadir ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu kula qarxay gaari yar oo ay wateen oo marayay xaafadda loogu magac-daray Galmudug.

7/29/2018 1:18 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Dowladda Eritrea ayaa hadda qorsheyneysa in la bilaabo wada hadallo lagu dhameynayo khilaafka siyaasadeed ee madmadowga soo kala dhax-galay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

7/29/2018 1:05 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Shan sarkaal oo katirsanaa guddiga doorashooyinka ee dalka Ciraaq ayaa shaqadii laga eryay, kadib markii lagu eedeeyay wax isadabamrin iyo inay iibsadeen codadkii doorashada xiligii doorashooyinka kuraatsa barlamaanka ee dalkaasi.

7/29/2018 12:54 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Kulamadan oo ah kuwo bilow ah oo u dhaxeeya madaxweynayaasha dowladdaha Soomaliya iyo Ertirtea Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea iyo Isaias Afwerki, ayaa sii socon doona labada cisho ee nagu soo foolka leh kaddib markii madaxweyne Farmaajo maalintii shalay ku tagay magaalada Asmara booqasho taariikhi ah.

7/29/2018 12:37 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)-Isbadalkan ama qaab dhismeedka oo ah mid cusub ayaa soo ifbaxaya xili maalmihii ugu danbeeyay-ba uu is mari-waa iyo khilaaf adag ka dhax jiray taliska sare ee hay’adda nabad-sugida.