4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Eritrea oo rabta in ay dhax dhaxaadiso Soomaaliya iyo Imaaraadka

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Dowladda Eritrea ayaa hadda qorsheyneysa in la bilaabo wada hadallo lagu dhameynayo khilaafka siyaasadeed ee madmadowga soo kala dhax-galay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Su’aal arintan ku saabsan oo la weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku jawaabay’’ mar walba dowladda waa ay soo dhaweyneysaa dadaal kasta oo la doonayo in lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira, laakiin waxaa rabaa in aan kuu cadeeyo mar walba doonista heshiiskan waxaa uu ka socday dhinaca kale [Imaaraadka] ayuu yiri Wasiirka.

Dhawaan waxaa magaalada Abu-Dhabi ee dalka dalka Isku-taga imaaraadka Carabta tagay labada hogaamiye ee Itoobiya iyo Ertirea iyaga oo la kulmay Dhagax-sugaha dalka Imaaraadka oo boggaadiyay heshiiska labada dowladood.

Dowladda Imaaraadka ayaa sheegay ay door-wanaagsan ku laheyn in la soo afjaro colaadii muddo ka badan 20 sano u dhaxeysa dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]