4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Dowladdaha Soomaaliya iyo Eritrea oo safaarado is dhaaf-sanaya

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Kulamadan oo ah kuwo bilow ah oo u dhaxeeya madaxweynayaasha dowladdaha Soomaliya iyo Ertirtea Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea iyo Isaias Afwerki, ayaa sii socon doona labada cisho ee nagu soo foolka leh kaddib markii madaxweyne Farmaajo maalintii shalay ku tagay magaalada Asmara booqasho taariikhi ah.

Qodobadii ugu horeeyay ee durbaba ka soo baxay kulamadii hor dhaca ahaa ee labad hogaamiye ayaa waxaa ka mid ahaa in labada dowladood in labada dowladood is dhaafsan doonaan Danjirayaal, islamarkaana midba kan kale uu dalkiisa ka furan doono safaarad.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee ku sugan dalka Eritrea ayaa sheegay in booqashadan ku saleysan tahay sii ay Soomaaliya qeyb uga noqon laheyd dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee ka jira gobolka ama Mandiqada Geeska Africa.

‘’Mandiqada waxaa ka socda dhaqdhaqaaq nabadeed oo maalo badan naga taaban kara, laakiin booqashada uu madaxweynaha halkan ku yimid waxaa uu tarjumad ka yahay labada madaxweyne oo dareensan xiriirka labada shacbi ee sooyaalka ah in la soo gaaray marxaladii siyaasad ahaan loogu badali lahaa arrimahaas iyo wixii kale ee quseeya ha noqoto is badalka gobolka ka socda iyo xiriirka labada dal ayeey booqashadan daaran-tahay’’ ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Asmara ayaa warar soo baxaya sheegaya in uu la kulmi doono mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Ururka ONLF ee ka soo horjeeda dowladda Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]