4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Ciidamadii Nabad-sugida gobolka Banaadir oo loo badalay Booliis iyo taliye loo magacaabay

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL)-Isbadalkan ama qaab dhismeedka oo ah mid cusub ayaa soo ifbaxaya xili maalmihii ugu danbeeyay-ba uu is mari-waa iyo khilaaf adag ka dhax jiray taliska sare ee hay’adda nabad-sugida.

Saadaq John oo horay u ahaa taliyihii nabad-sugida gobolka Banaadir ayaa hadda noqonaya taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, madaama la baabi’yay jiritaanka magaca ciidamada nabad-sugida gobolka oo muddo dheer ku howlanaa sugida amniga caasimada.

Taliyihii hore ee ciidamada Booliiska Jen Axmed Xassan Maalin ayaa loo badallay isagana uu noqdo taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka gobolka Banaadir.

Qorshahan cusub ee ciidamadii nabad-sugida gobolka Banaadir loogu badallay in ay noqdaan Booliis ayaa la leeyahay uu ka mid ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmihii ugu danbeeyay ku howlanaa dib u habeynta ciidamada, gaar ahaan sugida amniga magaalada Muqdisho.

Dadka u dhuun-daloola arrimaha ciidamada ayaa qaba in uu jiro jahwareer iyo degnenaan la'aan ka dhax jirta qaab dhismeedka ciidamada sugaya amniga, taasoo keentay in ay ka faa’ideystaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda sida Al-shabaab oo mar marka qaar la dareyska ciidamada ku weerara xarumaha dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]