Sabti, July, 28, 2018 (HOL) - Madaxweynaha
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayeey uga bilaabatay
booqasho Saddax cisho ah magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo siweyn loogu soo
dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha waxaa magaalada Asmara waxaa ku soo dhaweeyay
madaxweynaha dalka Eritrea, Wasiir, iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan-yahay
Asmara waxaa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eritrea, iyaga oo
ka wada hadli doono hagaajinta cilaaqaadka labada dalka oo muddo dheer-ba mugdi
ku jiray.
Madaxweyne Farmaajo waxaa booqashadiisa ku
wehlinaya xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin
kale oo ka tirsan isla dowladda.
Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii ugu
horeeyay ee noociisa ah oo madaxweyne Soomaaliya uu ku tago dalka Eritrea tan
iyo markii ay ka go’day Itoobiya sanadkii 1993
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]