3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaaminayo oo goor dhaw u anbabaxay dalka Eritrea

 

Sabti, July, 28, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

“Labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay wadaagaan xiriir iyo sooyaal fac weyn. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ayaa waxay albaabada u fureysaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/28/2018 12:09 PM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL) –Socdaalka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Asmara ayaa u muuqda mid bog cusub iyo taariikh bilow ah ka dhigaya xirirka diblomaasiyadeed ee labad dal Soomaaliya iyo Eritrea.

7/28/2018 9:41 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaaminayey wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo ku-xigeenka Arrimaha siyaasada Soomaaliya ee UNSOM Mr. Raisedon Zenenga.

7/28/2018 9:35 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)–Dallada SAFA oo ay ku mideysan yihiin ilaa 300 oo dugsi ku kala yaala gobollada dalka ayaa qaadacday shaacinta natiijadii Imtixaannaadka ee sanadkan la qaaday.

7/28/2018 9:10 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayeey uga bilaabatay booqasho Saddax cisho ah magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

7/28/2018 8:16 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)-Maxkamadda Derejada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ka soo hor muuqday Labo horjooge oo sida ay maxkamadu sheegtay ka tirsan Ururka Daacish ee dagaalama qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

7/28/2018 5:30 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lugu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Puntland , sida ay Hiiraan Online ka soo xigatay saraakiil deegaanka ah.

7/28/2018 3:09 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)-Iyadoo sanad kasta maanta oo kale 28-ka Bisha July ay heyadda Caafimaadka Adduunka ee WHO u aqoonsatay maalinta loo asteeyey ka hortaga cudurka Cagaarshowga ayeey Hiiraan Online halka idinku soo gudbin doontaa warbixin ku saabsan khatarta cudurka.

7/28/2018 2:19 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa la kulmay madax-weyne ku-xigeenka dalkaas Mike Pence oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood.

7/28/2018 2:03 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ka dalbaneyso howlgalka midowga Africa AMISOM in sida ugu dhaqsiyaha badan loo banneeyo garoonka Kubadda Cagta ugu weyn Soomaaliya ee Stadium Muqdisho.

7/28/2018 1:21 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)-Hay’addaha ICRC ayaa ku dhawaaqday in yareyneysa howlgaladeedii samafalka ee gudaha dalka Soomaaliya sida lagu baabacay Bogga Internetka ee Relief-web sababo la xiriira xaalada dhinaca Amniga ee bilihii ugu danbeeyay soo food saaray shaqaalaha hay’adda.

7/28/2018 12:23 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)-Malaayiin qof ayaa xalay oo dhan cirka ku dheegaagayay si ay indhaha u saaraan dayax madoobaadkii ugu mudadda dheera ee qarnigaan soo mara caalamka.

7/28/2018 12:16 AM EST
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal taariikhi ah ku tagaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea.