Warbixin ku saabsan khatarta cudurka cagaar-showga oo WHO u aqoonsatay maanta oo kale ka hortagiisa
Sabti, July, 28, 2018 (HOL)- Iyadoo sanad
kasta maanta oo kale 28-ka Bisha July ay hey'adda Caafimaadka Adduunka ee
WHO u aqoonsatay maalinta loo asteeyey ka hortaga cudurka Cagaarshowga ayeey
Hiiraan Online halka idinku soo gudbin doontaa warbixin ku saabsan
khatarta cudurka.
Prof/Dr. Cismaan Maxamuud
Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegay in cudurkan
cagaarshowga uu yahay cudur qatar ah oo caalamku u aqoonsaday dilaaga aamusan,
wuxuuna xusay in halku dhega caalamiga ah ee cudurkan sanadka 2018-ka laga dhigay
Ciribtirka Cudurka Cagaarshowga (Eliminate Hepatitis) sida WHO shaacisay,
iyadoo ololaha sanadkana uu yahay helida malaayiinta qof ee la nool cudurka ee
aan iska warqabin (Find missing millions).
“Cudurka Cagaarshowga ama
jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas
darteed sanad kasta 28-ka July waxaa loo asteeyay maalinta Cagaarshowga aduunka
(World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo
qatarta iyo ka hortaga cudurkaan helista ah oo sida amusan dadka u dila (Silent
Killer)” ayuu yiri Dr Dufle.
Cudurka
cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keeno burbur iyo dhaawac
ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B,
C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.
Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).
Waa
nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan
yahay caruurta dadka waaweyn waa ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay.
Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku
nooloyihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.
Feyruska
wuxuu soo raacaa saxarada , waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto
, khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan
nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.
Cagaarshowga
A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey
qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood , xiligaas qofka saxarada ayuu ku
gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.
Noocan
A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).
Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)
Cagaarshowga
noocaan waxaa keena feyrus B ( HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan.
Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute)
ama joogta ah ( Chronic). Wuxuu cudurkaan horey ugu soo dhacay qiyaas
ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 257 milyan ( Chronic
Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.
Marku
feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa
muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic
infection).
Cagaarshowga
nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga
qofka fiyow sida:-
Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta
xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah
kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.§
Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
Cirbid lagu duray
qof jiran oo qof kale loo isticmaalo,
Qalabka ama Sakiinta
Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.
Wuxuu ku gudbi karaa
galmada (Sexual Intercourse).
Wuxu kaloo ku gudbaa
daawo dhaqameedka sida:-
– Dalqa goynta
, qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir
ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo
isticmaalayo aan la jeermi dilin.
Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-
– Bukaanada
dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.
– Bukaanada
kiliyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)
– Shaqaalaha
caafimaadka iyo kuwa sheybaarka
– Buukanada HIV
qaba oo difaacooda hooseyo.
Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer
(100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.
Feyruskan cagaarshowga B 7 maalmood ayuu dibada ku
noolaan karaa asagoo waqtigaasku gudin kara cudurka.
Cagaarshoowga
C ( Hepatitis C Virus – HCV).
Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirade aduunka
qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 71 milyan qof ; sanad kaste tirade bukaanka
cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.75 milyan. Waxaana sanad kasta u
dhimata 400,000 qof.
Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 ,
horay waxaa la dhihi jirey (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A
iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay , wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga
dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida
(Post-transfusion hepatitis).
Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu
gaaro qofka fiyow.
Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo
ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180
maalmood).
Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic
Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in
calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80%
(Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent
Killer).
Calamooyinka
Cudurka Cagaarshowga.
Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-
Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin
(Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka waxuu qabaa calaamooyinka sida labolabo
, bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal
badan, xumad, qun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkas
waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.
Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric
Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo
gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midib cadaata iyo
kor cuncun. Xanuun yar oo dhinica beerka ku aadan iyo qanjiro barar.
Calaamadahaan waxey jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.
Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka
(Convalescence phase):Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka
baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo
fiicanaayaan calaamadihii hore laakin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka
reestey cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa , waxeyna
qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.
Dabka iyo
Cagaarshowga:
Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxey aminsanyihiin in
cudurka cagaarshowga lagu daaweyo dabka bukaanka la gubo.
Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax
xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.
Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan
u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka
indhaha iyo oogada ay soo if baxo in uu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay
baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga
bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana
keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestey , taasana
waxey keeneysaa in bukaanku dib u bilaalbo socod iyo dhaqaaqiisi nolol maalmeed
midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib
(6 bilood) uu cudurkii u gubaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
Cawaaqibta Dambe
ee Cudurka Cagaarshowga
Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu
noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic
Hepatitis).
Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute
Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka
90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
25% – 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada
(Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% – 25%) wuxuu u
gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).
Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% – 80% wuxuu noqdaa kan
raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% – 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada
calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver
Cancer – HCC).
Siyaabaha looga
hortago Cagaarshoowga :
Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga
fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.
Ugu horeen waa in la xoogiyaa nadaafada gacmaha cuntada
ka hor iyo markii musqusha lagalo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo
musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in lailaaliyaa nadaafada
raashiinka la cuno.
Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta
garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin
dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta dalqa
gooynta qungooynta gudniinka wiilasha dhaga durista uu nadiif yahay lana jeermi
dilo taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay
iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.
Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca
A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku
haleelo wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota.
Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa
in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo
adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka
bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).
Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982
helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore,
waxaana loo qaataa marka hore Bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6) ,Ururka
caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah
ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac
daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli
karo.
Talo-siinta qofka
qaba cudurka cagaarshowga
Ugu horeyntii waxaa la faryaaa:
Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uuku nasto, wax shaqo
ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.
Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu
badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan
(energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka
kaadi-macaanka qaba.
Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan.
Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabdidda
khamiriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.
Dr Dufle ayaa ugu danbeyntii ku soo gunaanaday in
bulashada soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo
kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta, waxaana
hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]