4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Xukuumadda oo dalbatay in ciidamada AMISOM banneeyaan garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho

 

Sabti, July, 28, 2018 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ka dalbaneyso howlgalka midowga Africa AMISOM in sida ugu dhaqsiyaha badan loo banneeyo garoonka Kubadda Cagta ugu weyn Soomaaliya ee Stadium Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha oo maalintii shalay kudbad ka hor jeedinayay Bandhig ay sameeyeen bahda cayaaraha dalka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda dhalinyarrada ayaa yiri’’ Garoonka ugu weyn ee dalkaani lahaa waa Muqdisho, waxa aan wasiirka hortiina ugu sheegayaa in garoonkaas si dhaqsa ah gacantiinna loo soo geliyo. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda gacanteedana lasoo geliyo’’

Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ayaa hadda saldhig militari u ah ciidamada midowga Africa AMISOM, mana aha markii ugu horeysay oo codsi kan kale ah loo jeediyo, hasse ahaatee ma muuqato wali tallaabo ciidamada AMISOM isugu diyaarinayaa ka bixitaanka garoonka uu baahan dib u dhis dayactir aad u weyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]