Sabti, July, 28,
2018 (HOL) - Malaayiin qof ayaa xalay oo
dhan cirka ku dheegaagayay si ay indhaha u saaraan dayax madoobaadkii ugu
mudadda dheera ee qarnigaan soo mara caalamka.
Dayax madoobaadkan ayaa ahaa midkii ugu dheeraa
qarniga 21aad, sida ay sheegayso hay'adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka
(NASA).
Dadka nasiibka u yeeshay inay daawadaan dayax
madoobaadka, ayaa waxa ay daawanayeen hal saac iyo 43 daqiiqo oo dayax
madoobaadkaas uu soconay.
Meelaha sida wayn looga dareemay waxaa ka mid ah
qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika iyo Australia iyo goobo kale oo caalamka
ka tirsan.
Sidoo kale meelaha xalay laga dareemay Dayax
madoobaadka waxaa ka mid ah dhulalka ay Soomaalida dagto.
Siinisyahanada ayaa horey u saadaaliyay inuu
dhacayo dayax madoobaadkani.
Dayax madoobaad ayaa dhacaa marka qorraxda,
dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan. taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala
dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu
gaaro dayaxa.
Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo
hooska dhulka.
Koofurta Ameerika, ayaa qeyb ahaan laga arkay
deegaannada dhinaca bari sida magaalooyinka Buenos Aires, Montevideo, Sao Paulo
iyo Rio de Janeiro.
Magaalooyinkaas iyo kuwa u dhowba waxay dadku
arkeen marka uu dayaxu godka sii galayay, ama daliigta u eg in cirka iyo dhulka
ay iska galaan.
Isha Warkan/BBCSomalia