4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2018
Turkiga oo cambaareeyay weerar Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Markab laga leeyahay Sacuudiga

 

Jimco, July, 27, 2018 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Markab Shidaal oo laga leeyahay dalka Sacuudiga.

“Waxaan cambaaraynaynaa weerarkii lagu qaaday laba Markab shidaal, oo laga lahaa Sacuudi Carabiya, kuwaas oo marayay Marinka Bab-el Mandeb, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Turkiga.

Turkiga aya ku baaqay in la joojiyo tallaabooyinka noocaas ah, oo khatar galinaya amniga Badda, waxaana ay intaa ku dartay in ay sii kordhin karto xiisadda hadda ka jirta Gobolka.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii Xuuthiyiinta ka dagaallanka dalka Yemen, taageerada ka haysata Iiraan ay weerar Gentaallo ah ku qaadday Laba Markab oo siday Shidaal, lagana lahaa Dalka Sacuudiga, iyadoo uu dhaawac yar kasoo gaaray mid ka mid ah Maraakiibtaasi oo lagu magacaabo Damaam.

Xigasho/ Anadolu