4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2018
Xildhibaan hore oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Jimco, July, 27, 2018 (HOL) – Dabley ilaa iyo hadda aan la garan ayaa xalay toogasho ku dilay xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad ee dowladdii KMG oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi.

Dableyda ayaa la sheegay in xildhibaanka ay ku weerareen gurigiisa, iyaga oo toogashada kaddib-na goobta ka baxsaday, waxaana geeridiisa warbaahinta u xaqiijiyay xildhibaan Cali Jowhar oo ay siweyn isku garanayeen marxuum-ka.

Galinkii danbe ee shalay ayeey aheyd markii Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay Sawir qaade ka tirsanaa TV SBS degmada Waaberi isla magaalada Muqdisho.

Wali kama aysan hadali laamaha Amniga dowladda dilalkan ka dhacay magaalada 24kii saac ee la soo dhaafay gaar ahaan dilka xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad ee Soomaaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]