3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2018
Koonfur Galbeed – waxaan dilnay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, July, 27, 2018 (HOL) - Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku dileen xubno dagaalyahanno iyo saraakiil isugu jira oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Nuura Diin Yuusuf oo ah afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saraakiisha la dilay uu ka mid ahaa wiil Al-shabaab ugu magacaaw-naa deegaanka Ufurow oo ka tirsan gobolka Baay.

Laakiin afhayeenku ma uusan sheegin magac-yada dagaalamayaasha iyo saraakiisha ka tirsanaa Al-shabaab ee howlgalka lagu dilay, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda wali sii wadaan howlgalada ka socda deegaannada uu maamulku ka arrimiyo ee ku jira gacanta Al-shabaab.

Koonfur Galbeed waxaa ay ka mid ah deegaannada ay wali ku xoogga badan yihiin Al-shabaab, iyaga oo go’doomin iyo weerarro joogta ah ku haya degmooyinka ay maamusho dowladda ee gobollada Baay iyo Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/27/2018 3:10 PM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL) -Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ay soo qaban-qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday aragtida xukuumadda Soomaaliya ee Jaamacaddaha dalka.

7/27/2018 2:44 PM EST
Waxay kuu soo gudbinaysaa doodo gaar ah, warar aan horey loo maqal iyo codad kala duwan oo Soomaali ah: 30-ka daqiiqo ee barnaamijka cusub ee Caawa iyo Caalamka ee BBC News Somali TV wuxuu billaabanayaa Isniinta 30 July.

7/27/2018 2:35 PM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL)-Sarkaal ka tirsan booliska Puntland ayaa goor dhow lugu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug , sida ay xaqiijiyeen saraakiisha deegaanka.

7/27/2018 8:58 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL)– Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah booqasho taariikhi ah ku tagaan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

7/27/2018 8:41 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL)– Guddiga Doorashada Pakistan ayaa sheegay in cayaaryahankii hore ee isku beddelay siyaasaiga, Imran Khan, uu ku guuleystay doorashadii baarlamanka ee dalkaas ka dhacday, hase yeeshee xisbigiisa uusan helin codad ku filan si uu dowlad usoo dhiso.

7/27/2018 4:37 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL)–Wasiiru-dowlaha Wasaarrada Arr Diinta iyo Aw-qaafta dowladda Soomaaliya ahna ku-simaha Wasiirka Diinta Cabdixakiin Xassan Ashkir ayaa sheeegay isaga oo ku sugan dalka Boqortooyada Saudi Arabia in la bilaabayo soo qaadista xujeyda Soomaaliyeed ee guda-naya sanadkan waajibaadka Xajka.

7/27/2018 1:23 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL)–Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Markab Shidaal oo laga leeyahay dalka Sacuudiga.

7/27/2018 1:08 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL) -Maxkamada ku taalla dalka Uganda ayaa xalay ridday gudoon ay ku taageerayso isbadal ay baarlamaanka dalkaasi ku sameeyeen dastuurka, taasi oo meesha ka saartay qodobkii xaddadiyay da'da cidda u tartamaysa madaxwaynanimada in ay noqoto mid ka sareysa 35 sano islamarkana uusan qofka ka waynaan 75.

7/27/2018 12:53 AM EST
Jimco, July, 27, 2018 (HOL) – Dabley ilaa iyo hadda aan la garan ayaa xalay toogasho ku dilay xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad ee dowladdii KMG oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi.